Posts

Showing posts from May, 2023

DUFANKA MUHIIMKA AH EE OMEGA-3 ================================

  Dufanka ma aha wax dad badan jeclaan lahaayeen in ay qaataan balse waxaa jira hal nooc oo dufanka ka mid ah kaasi oo qof kasta u baahan yahay in uu qaato, waana dufanka Omega-3. Dufankaan wuxuu muhiim u yahay badqabka wadnaha iyo maskaxda. Omega-3 wuxuu waxtar wayn u leeyahay guud ahaan jirka si gooni ahna wuxuu xoojiyaa hannaanka difaaca jirka, wuxuu caawiyaa araga, dheecaanada iyo caafimaadka taranka.  Dufanka Omega-3 wuxuu ka tirsanyahay qoys yar balse awood badan oo ka mid ah dufanaka dabarada badan ee polyunsaturated fats-ka. Dufanka Omega-3 waxaa laga helaa dhirta iyada oo badi u diyaarsan qaabka Alpha-linolenic acid (ALA). Waxaa kale oo laga helaa cuntada badda sida malayga/kaluunka iyada oo u jirta qaabka Docosahexaenoic acid (DHA) iyo Eicosapentaenoic acid (EPA). Dadku badi way helaan nooca ALA ee dhirta ka timaada balse labada kale ee DHA iyo EPA waa ay adagtahay sababtuna waa in kaliya laga helo cuntada badda.  Dadkeenna badi maba cunaan nimacada badda ee All...

3 CAADO OO HAGAAJIYA CAAFIMAADKA ≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈≈

  Dhaqamada ugu sahlan ee wax-ku-oolka u ah caafimaadkaaga ayaa ah kuwa u gu xoogan xagga saamaynta. Waxaa jirta sadax caado oo hagaajiya waxqabadka [performance], kor u qaada fakarka [thinking], dheereeyana xiliga nolosha wax-tarka leh [quality life]. Sadaxda caado waa: hurdada, jimicsiga iyo nafaqada. Sadaxdaan tiir waxay bud'dhig u yihiin aasaaska jiritaanka nololeed ee maskaxda (brain span pyramid).   1. HURDADA  Hurdada waa aaladda ugu muhiimsan ee na siisa wax qabadka ugu sareeya (high performance tool). Hurdadu waa xiliga ay maskaxda iska nadiifiso wasaqda. Waa marka hannaanka glymphatic-ga uu si wax ku ool ah u howl galo, dheecaanka maskaxda iyo xangulaha ee cerebrospinal fluid kana (CSF) uu ku wareego maskaxda si wasaqda looga nadiifiyo. Hadii aadan helin hurdo kugu filan maskaxdu ma adoodo in ay iska nadiifiso haraadiga iyo sunta (debris and toxins), waxayna bilaaban in ay ku uruuraan. Mid ka mid ah waa borotiinka amyloid beta oo ah sumadda lagu garto cudur...