DUFANKA MUHIIMKA AH EE OMEGA-3 ================================
Dufanka ma aha wax dad badan jeclaan lahaayeen in ay qaataan balse waxaa jira hal nooc oo dufanka ka mid ah kaasi oo qof kasta u baahan yahay in uu qaato, waana dufanka Omega-3. Dufankaan wuxuu muhiim u yahay badqabka wadnaha iyo maskaxda. Omega-3 wuxuu waxtar wayn u leeyahay guud ahaan jirka si gooni ahna wuxuu xoojiyaa hannaanka difaaca jirka, wuxuu caawiyaa araga, dheecaanada iyo caafimaadka taranka.
Dufanka Omega-3 wuxuu ka tirsanyahay qoys yar balse awood badan oo ka mid ah dufanaka dabarada badan ee polyunsaturated fats-ka. Dufanka Omega-3 waxaa laga helaa dhirta iyada oo badi u diyaarsan qaabka Alpha-linolenic acid (ALA). Waxaa kale oo laga helaa cuntada badda sida malayga/kaluunka iyada oo u jirta qaabka Docosahexaenoic acid (DHA) iyo Eicosapentaenoic acid (EPA). Dadku badi way helaan nooca ALA ee dhirta ka timaada balse labada kale ee DHA iyo EPA waa ay adagtahay sababtuna waa in kaliya laga helo cuntada badda.
Dadkeenna badi maba cunaan nimacada badda ee Alle noogu deeqay ( duruuf iyo ka faanid midkay doontaba ha keentee).
Dufanka Omega-3 wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka, wuxuu ka hortagaa xinjiraha dhiigga. Wuxuu xoojiyaa xuubka difaaca unugyada maskaxda, wuxuu ka hortagaa hoos u dhaca garashada. Sida lagu sheegay taxliilin lagu sameeyay 2019 natiijada dhowr daraasadood (meta-analysis) Omega-3 nooca DHA wuxuu hoos u dhigaa caabuqa keena indha qaleelka (dry eyes), wuxuuna caawiya soo saaridda ilmada.
Labada nooc ee cuntada badda laga helo EPA iyo DHA waxay muhiim u yihiin hooyada uurka leh iyo uuryaalkeeda waxayna caawiyaan koriinka maskaxda uuryaalka 3da bil ee ugu dambaysa (last trimester). Omega-3 wuxuu yareeyaa halista hooyada uurka leh ay ku foolan karto ka hor xiliga loogu talagalay (preterm labor) iyo in ay dhasho ilmo culayskoodu yar yahay ( low-birthweight baby).
Comments
Post a Comment