DUFANKA MUHIIMKA AH EE OMEGA-3 ================================
Dufanka ma aha wax dad badan jeclaan lahaayeen in ay qaataan balse waxaa jira hal nooc oo dufanka ka mid ah kaasi oo qof kasta u baahan yahay in uu qaato, waana dufanka Omega-3. Dufankaan wuxuu muhiim u yahay badqabka wadnaha iyo maskaxda. Omega-3 wuxuu waxtar wayn u leeyahay guud ahaan jirka si gooni ahna wuxuu xoojiyaa hannaanka difaaca jirka, wuxuu caawiyaa araga, dheecaanada iyo caafimaadka taranka. Dufanka Omega-3 wuxuu ka tirsanyahay qoys yar balse awood badan oo ka mid ah dufanaka dabarada badan ee polyunsaturated fats-ka. Dufanka Omega-3 waxaa laga helaa dhirta iyada oo badi u diyaarsan qaabka Alpha-linolenic acid (ALA). Waxaa kale oo laga helaa cuntada badda sida malayga/kaluunka iyada oo u jirta qaabka Docosahexaenoic acid (DHA) iyo Eicosapentaenoic acid (EPA). Dadku badi way helaan nooca ALA ee dhirta ka timaada balse labada kale ee DHA iyo EPA waa ay adagtahay sababtuna waa in kaliya laga helo cuntada badda. Dadkeenna badi maba cunaan nimacada badda ee All...